Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa ku eedeeyey gaabiska tallaalka Covid-19 waxa uu ugu yeeray midab kala sooca tallaalka ee suuqyada caalamka isagoo sheegay inay dhaawaceen qaaradda.

Ka hor inta aan la helin tallaallada ayuu yiri waddamada Afrika oo ay Kenya ka mid tahay ayaa diyaar u ah in ay soo saaraan laakiin waddamada horumaray ayaa billaabay in ay aruursadaan.

Wareysi uu Isniintii la yeeshay tifaftirayaasha sare Aqalka Madaxtooyada Nairobi Madaxweyne Kenyatta wuxuu sheegay in la shaqeynta dhiggiisa Koonfur Afrika Cyril Ramaphosa iyo Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Kongo (DRC) Félix Tshisekedi ay heshiis hore la gaareen Machadka Serum ee Hindiya si Afrika loo siiyo tallaalada oo kaliya in dalalka horumaray ay qaaradda uga baxaan qalabkooda