Maalintii shaleyto ayaa saraakiishani amaanka  iyo hoggaamiyayaasha siyaasadeed ayaa waxay warbaahinta uu sheegeen in falalka dhaca xoolaha ay yihin waxyaabaha sababaya isku dhacyada qowmiyadaha halkaasi ku nool.

Saraakiisha amaanka ayaa waxay deegaanadaasi ay ka sameynayaan howlagalo ballaraan oo ka dhanka ah kooxaha burcad ah oo dhibaateynayaan  xubnaha shacabka ee aan waxbo galabsanin .

Howgalkani ayaa ku soo begmeya iyadoo toddobaadyadii la soo dhaafay lix qof lagu dilay deegaankaasi .

Barasaabka ismaamulka Nakuru Lee Kinyanjui  iyo dhigiisa ee ismaamulka Narok  Samuel Tunai oo warbaahinta kula hadleen deegaanka Naivasha ayaa waxay ku baaqeen in laga hortago isku dhacyada qowmiyadaha ee deegaankaasi.

Barasaabka ismaamulka Nakuru Lee Kinyanjui  iyo dhigiisa ee ismaamulka Narok  Samuel Tunai ayaa waxay sheegeen in ay si buuxda uu taageerayaan dadaalada wakaaladaha amaanka ay ka wadaan deegaanada kala ah Mauche iyo Entiani ee xadka Narok iyo nakuru .