Guddoomiyaha amaanka ee  Gobolka Xeebta John Elungata  oo maanta xariga ka jaray shir 3 maalmood socon doona oo  ay yeelanayaan Hoggaamiyayaasha Muslimiinta ee gobolkaasi ayaa aqoonyahannada ka soo jeeda gobolka  ku booriyay in ay baaritaan ballaaran ku sameeyaan dhibaatooyinka bulsho ee saameeya gobolka ayna soo bandhigaan xalal la taaban karo.

Elungata ayaa  sheegay in cilmi baaris oo kaliya lagu Xalin karo  caqabadaha sida burcadnimada, xagjirnimada, uurka gabdhaha yaryar iyo heerarka waxbarashada ee liita ee gobolkaasi.

Guddoomiyaha amaanka ee  Gobolka Xeebta John Elungata ayaa sheegay  in gobolka uu  leeyahay taariikh hodan ku ah dhanka waxbarashada oo soo saartay aqoonyahanno sida Cali Mazrui, iyadoo maktabado qadiimi ah ay ku yaalan ismaamulada Lamu, Malindi iyo Mombasa, wuxuuna aqoonyahaanada ku booriyay in ay ka shaqeyaan sidii loo soo celin lahaa guulihii waxbarasho.

Aqoonyahannada iyo Culimada gobolka  xeebta ee dalka  ayaa lagu boorriyay inay baaritaan ku sameeyaan dhibaatooyinka bulshada ee saameya dadka deegaanka.