Wasiir waxbarashada dalka Kenya Prof. George Magoha ayaa shagay in ay radindonaan ardayda diiday in ay kubiraan dugsiyada sare isla markaan ay ogaan donaan sababta ay u diiday iney kubiraan dugsiyada sare.

waxa uu shegay masuulkan in ay muhiim utahay dalka iyo waliba walidiinta aygu dhalay caruurta oo hadii ay wax bartaan ay anfici karaan dhamaan shacab weynaha kenya.

Agaasimaha waaxda tacliinta sare ee dalka Paul Kibet ayaa dhankiisa sheegay in kastoo ardayda badankoodu ay dugsiyada iska xaadiriyeen maalinkii dib loo furay haddana ay jiraan kuwo weli guriyaha ku sugan.

Waxa ay donayaan masuliyinta wasarada waxbarashada in ay xooga saraan sidii ay tacliin buuxda ay ku helilahayeen dhamaan dhalinyarada kusugan dalka kenya.

Mr. KIbet ayaa xusay in fursad la siin doono ardayda ka soo jeedo qoysaska danyarta ah ee aynan u suurtagelin in ay waxbarashada sii wataan.