Madaxweyne kuxigeenka dalka kenya William Ruto ayaa shegay iney tahay xiligii ay madaxda xisbiga Jubilee ay dib uxojin lahyeen wax yabaha hormarineed ee dalka madama nidamkii BBI ee ay kutamayeen uun mesha kabaxay.

waxa uu shegay mr Ruto in caymiska NHIF sigaar ah loo eego madaama dad badan oo kenyan ah uu udanyahay.

Waxaa uu sheegay inuu jiro wada hadal uu la yeelanaya xeer dejiyaasha dalka si loo dardargeliyo isbeddel lagu sameynayo xeerka caymiska ee NHIF.

Ruto ayaa tilmaamay in tani looga gol-leeyahay in laga dhabeeyo barnaamijka caafimaadka guud ee dalka.

Waxaa uu sidoo kale soo hadal qaaday in la dedejinayo fulinta mashaariicda dhanka wax soo saarka beeraha, guriyeynta iyo shaqo u abuuridda dhallinyarada.