Guud ahaan gobolka waqooyi bari kenya ayaa waxa kajira abaaro sameyn kuyeshay bulshada xolaleyda iyo beraleyda ayagu dagan halkaas.

madaxda ismamulka Garissa ayaa shegay iney dadaal dheer ugalayaan sidey uxakameyn lahayeen dhibatoyin kadhalan kara abaaraha kajira gobolka waqoyi bari iyo biyo la,aanta bahsan.

Dowladda hoose ee ismaamulka Garissa ayaa sheegtay inay sare u qaadayso dadaallada iyo barnaamijyada lagula tacaalayo saameynta abaarta.


Barasaabka Garissa Cali Bunow Qorane ayaa xusay inay kheyraadka badan u qoondeynayaan adeegyada biyaha.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in bulshada xoolo dhaqatada ah ee ay saameysay abaarta ee ku nool dhammaan deegaan baarlamaneedyada Garissa loo fidin doono gargaar la xiriira nolol maalmeedka.


Tani ayaa imaanaysa iyadoo warbixin uu soo saaray maamulka qaabilsan maareynta abaaraha ee (NDMA) uu sheegay in ismaamullada ay Garissa ka mid tahay ay ka jirto xaalad adag.