Mareykanka iyo xulafadiisa ayaa la xarbinayey inay la taacaalaan kumanaanka qof ee isugu jira ajaaniibta iyo shacabka Afghanistan ee ka cararaya dalkaas, kadib markii ay xukunka la wareegeen Taalibaan.

Tasii oo ay jirta ayaa wax ay xaqijiyeen cidamada dalka Britain in ay dhintee 7 qof oo rayid ah malintii sabtida qalaase kadahacay dalkaas oo ayagu ay fureen risaas ay donayeen iney ku xakameyaan shaqaayinka kasocday halkaas.

“Waxaan maskaxda ku haynaa dhammaan qoyska toddobada ee ku dhintay Kabul,” waxaa sidaas yiri afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Britain, isag oo aan faah-faahin ka bixin sida ay wax u dhaceen.

Taleefishinka Sky News ee Britain ayaa baahiyey muuqaallada saddex ka mid ah meydadka oo yaalla dibedda garoonka.

“Xaaladda waa mid aad caqabad u leh, waxaanse isku dayeynaa wax kasta oo aan awoodno si aan u xakameyno, ugana dhigno mid amni ah oo sugan, sida ugu macquulsan,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Britain.

Dhinaca kale, kooxda Taalibaan ayaa ku eedeysay Mareykanka inay mas’uul ka yihiin qaska ka jira garoonka diyaaradaha Kabul.

“Mareykanka, oo awoodda aan ognahay leh, waxay ku guul-darreysteen inay kala dmabeyn ka hirgeliyaan garoonka. Nabad iyo xasilooni ayaa ka jirta dhammaan dalka intiisa kale, hase yeeshee jahwareer ayaa ka taagan garoonka,” Waxaa sidaas yiri Amir Khan Mutaqi, oo ah sarkaal ka tirsan Taalibaan.