Masuliyiin uu horkacaayo Wasiirka Wasaaradda Bartoolka Xukuumadda xilgaarsiinta Cabdirashiid Maxamed Axmed  ayaa waxaa la filayaa in magaalada Cape Town ee dalka Koonfur Afrika uu uga qeyb galaan Shirka Toddobaadka Tamarta Afrika.

Wasiirka Wasaaradda Bartoolka Xukuumadda xilgaarsiinta Cabdirashiid Maxamed Axmed  ayaa warbahinta ushegay in soomaaliya ay utahay fursad dahabi ah ka qeyb galka shirkaan.

waxa uu shegay wasiirka in ay kasoo qeyb galidonaan shirkado waa weyn oo daneynaya sahminta tamarta kujirta dhulka soomaaliya isla markaana ay lasoo galidonaan wada xajood si looga fa,ideystu fursadaha tamareed ee dalka.

Kulanka  Toddobaadka Tamarta Afrika oo ay goobjoog ka noqon donaan Shirkado waaweyn ayaa waxaa la doonayaa in lagu mideeyo daneeyayaasha tamarta Afrika, si kor looguu qaado kobcinta warshadaha iyo Afrika inay noqoto mid hugamisa Waaxda tamarta ee Caalamka.