Cidamada amaanka magalada muqdisho ayaa waday hawenadii lasoo dhafay howl galo ay ku bacsanayeen niman burcad ah oo kudhumaleysanaya xafadaha magalada muqdisho.

Ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya, gaar ahaan kuwa Booliska ayaa xalay howl-gal qorsheysan ka sameeyey xaafado ka tirsan degmada Heliwaa ee gobolka Banaadir, kaas oo lagu xaqiijinayey amniga degmadaasi.

Saraakiisha horkaceysay howl-galkan ayaa sheegay inay ku baxeen kooxo burcad ah oo cabasho ay kasoo gudbeen dadka deegaanka, isla-markaana ay gacanta kusoo dhigeen.

Ragga la soo qbatay oo labo ah ayaa waxa ay ku hubeysnaayeen mindi iyo bistoolad macmal ah, sida ay shaaca ka qaadeen saraakiil ka tirsan taliska ciidanka Booliska.

Ragga la soo qbatay oo labo ah ayaa waxa ay ku hubeysnaayeen mindi iyo bistoolad macmal ah, sida ay shaaca ka qaadeen saraakiil ka tirsan taliska ciidanka Booliska.

Sidoo kale raggan oo lagu soo bandhigay xarunta maamulka degmada Heliwaa ayaa lagu qabtay moobeelo ay ka soo dhaceen dadka shacabka ah, sida uu talisku sheegay.

Dhankiisa guddoomiyaha cusub ee degmada Heliwaa Mire Salaad Dhuxulow ayaa sheegay inay ka go’an tahay ka hortega kooxaha burcadda ah, isla-markaana ay sugayaan amniga.