Cabdirashiid Xasan nuur Janan wasiirkii Amniga Maamulka Jubbaland ee bartimihii bishii march isku dhiibay dowladda soomaaliya dhawaanahaana ku sugnaan caasimada muqdisho ayaa 24kii saac ee lasoo dhaafay waxaa aad loo hadla hayay in uu ka baxsaday villa soomaaliya Mucaaradkana la saftay isagoo magan galyo ka helay siyaasiga cabdiraxmaan cabdi shakuur warsame.


Hadaba Shirkii-jaraa’id ee uu maanta muqdisho ku qabtay Janan waxaa uu si lama filaan ah uga hadlay wararka bulshada ay isla dhex marayso ee isaga la xiriira iyo xaqiiqda waxa ay tahay.


Marka la eego muhiimada kulan warbaahineedkiisii waxaa laga dha dhansaday sadax arimood oo muujinaya in uu u xuubsiibtay dagaal siyaadadeed cusub oo uu iminka waxii ka dambeeya la galo madaxwayne farmaajo oo ay hayb ahaan is xigaan.


Tan koowaad: Cabdirashiid janan ayaa ku dhawaaqitaankiisa musharax ee xildhibaanimo waxaa uu kusoo beegay xili uu kasoo aag badashay aga gaarka xarunta nabad sugida oo uu in mudo ah dagnaa waxaana uu soo dagay aaga musharaxiinta madaxwaynaha iyo mucaaradkaba ay muqdisho si wayn uga dagan yihiin taa oo muujinaysa in afkaarta siyaasadeed ee mucaaradka uu xambaarsan yahay.


Tan labaad: musharaxnimada xildhibaan ee janan waxa ay iftiiminaysaa hami cusub oo siyaasadeed oo uu kula dagaalami karo dowladda xitaa hadii farmaajo uu soo laabto in uusan saamayn togan ku yeelan gobolka gedo lamase oga in uu kaga ag dhawaan karo axmed madoobe oo horaan ay kala fogaadeen.


Tan sadaxaad: cabdirashiid janan ayaa shirkiisii jaraa’id ku iftiimiyay in uu yahay nin la dhacsan kacdoonkii madaxwayne farmaajo looga diiday mudo kororsigii labada sano ahayd bishiir april ee sanadkan waxaana uu si cad u muujiyaya in qalad kastaa oo farmaajo uu galay aan loo rogi Karin mid qabiil ee shaqsiyadiisa ay ku eg tahay tanina waxay ka turjumaysaa siyaasigii ugu horeeyay ee miisaankaan leh oo ay isku hayb yihiin madaxwayne farmaajo oo banaanka ka istaaga gafafka siyaasadeed ee farmaajo uu ku kacay afartii sano ee lasoo dhaafay.

Inkastoo villa soomaaliya aysan ilaa iyo iminka qaadin wax talaabo ah oo ka dhan ah janan hadana waxaa suuro gal ah in ay samayso dhaq dhaqaaqyo cusub oo hanka siyaasadeed ee cabdirashiid janan ay ku fashilin karto.