Horyaalka Ingiriiska ee Premier League oo Jimcihii bilaabmay, laguna furay Arsenal iyo Brentford, waxa maanta oo Sabti ahayd ciyaaray kooxihii ugu badnaa, iyadoo naadiyadii waaweynaana guulo soo hooyeen.

Premier League oo ay si buuxda ugu soo laabteen taageereyaasha oo soo camiray garoomada, waxa dhoolatus ka sameeyey naadiyada waaweyn ee ay ka go’an tahay inay horyaalka ku dagaallamaan sida Manchaester United, Liverpool iyo Chelsea, halka Manchester City ay Axadda la ciyaarayso Tottenham.

Manchester United oo ay garoonkeeda Old Trafford soo buuxiyeen 75,000 taageereyaal ah ayaa 5-1 ku karbaashtay Leeds United, ciyaar ay taageereyaasha isku raaceen laba farxadood oo midda hore tahay guusha iyo midda labaad oo ahay ka hor intii aanay ciyaartu bilaabmin oo ay Red Devils garoonka kusoo bandhigtay saxeexeeda cusub ee Raphael Varane oo loo xidhay No.19.

Ciyaartan waxa laga diiwaangeliyey rikoodho ay sameeyeen Bruno Fernandes iyo Paul Pogba. Laacibka reer Portugal ayaa noqday ciyaartoygii goolasha ugu badan ku lug yeeshay horyaalka Premier League oo dhan tan iyo markii uu yimid January 2020. 48 gool oo uu 29 dhaliyey, 19 kalena caawiyey oo dhamaantood horyaalka ah ayuu sameeyey, iyadoo uu saddexlaydiisii ugu horreysayna maanta dhaliyey. Pogba oo afar caawimood ka sameeyey ciyaartan ayaa isaguna noqday ciyaartoygii toddobaad ee horyaalka Premier League afar gool caawiye ka noqda hal kulan gudihii.

Chelsea ayaa iyaduna waxay 3-0 ku muquunisay Crystal Palace, waxaana kulankaas taariikh ka sameeyey laacibka da’da yar ee difaaca ah ee Trevoh Chalobah oo kulankiisii ugu horreeyey ee horyaalka ah dhaliyey gool qurux badan oo uu masaafo fog ka toogtay.

Thomas Tuchel ayay isagana u ahayd markii koowaad ee uu horyaalka Premier League la bilowdo maadaama uu xilli ciyaareedkii hore badhtamaha kaga soo dhacay.

Liverpool ayaa iyaduna xaqiijisatay guusheedii koowaad, kulankii koowaad ee xilli ciyaareedka, waxaanay 3-0 ku karbaashtay Norwich City, waxaana ciyaartan rikoodh cajiib ah sameeyey Mohamed Salah oo laba gool caawiyey, midna dhaliyey. Waxa Salah lagu qoray taariikhda Premier League kaddib markii uu noqday ciyaartoygii koowaad ee shan xilli ciyaareed goolal ka dhaliya kulamada ugu horreeya.