Kenya waxay kamid tahay waddamada loo qoondeeyay inay qaataan tallaalka covid-19 oo ay boqortooyada dalka ingiriiska ay siisay covax.n. 

Isbahaysiga Tallaalka Gavi ayaa jimcihiii sheegay in qiyaastii ugu horeysay ee Astrazeneca ee lagu deeqay ay dhowaan gaari doonto Angola, Masar, Ethiopia,Ghana, Kenya, Malawi, Nigeria, senegal, iyo Uganda.

Zambiga iyo DRC waa dalalkii ugu horreeyay ee Afrika ee qaata Tallaalka logu deeqay, maadaama 119,200 qiyasood laga taaban doono caasimada Zambia ee Lukasa iyo 51,840 qiyaasood oo kinshasa ah jimcaha

Malawi waxay heli doonta qaybteeda 119,040 qiyaasood sabtida,
ogosto 14, senegal waxay heli dontaa 140,160 qiyaasood Axadda,
Masar 299,680 qiyaasood marka la gaaro 16ka Ogosto, 299,520 qiyaasood ayaa Uganda la geyn doonaa 18ka Ogosto. Waxay intaas ku
 dartay in dalal kale ay heli doonaan qiyaastooda mustaqbalka
 dhow. Ururku wuxuu sheegay in dhoofinta dawooyinka ay UK ku deeqday ay qayb ka tahay ballanqaad ballaaran oo 100 milyan oo
 jab ah lala wadaagayo adduunka intiisa kale, kuwaas oo 
boqolkiiba 80 ay mari doonaan COVAX