Kenya ayaa diiwaan galisay 724 kiis oo cusub kuna sabsan ‘Covid-19’ taas oo ka dhigeysa wadarta guud ee caabuqa 56,601, sida uu sheegay Wasiirka Caafimaadka dalka Mr Mutahi Kagwe.

Kiisaskan ayaa la soo tabiyay ka dib markii fayraska laga baaray dad gaarayo 5,085 .

Tijaabooyinka guud ee la qaaday tan iyo markii u caabuqa gudaha wadanka soo gaaray ayaa hadda noqonayaan 704,605.

Qofka ugu yar ee cudurka laga helay waa cunug jiro hal sano halka kan ugu weyna uu yahay 84 sano jir.

Mutahi Kagwe Wasiirka cafimaadka ee wadanka ayaa shaaca ka qaaday in ay 14 rux coronavirus uu dhinteen dhimashada guud ayaa hadda gaartay 1,027.

Dhanka kale, 248 bukaanno aha ayaa ka bogsaday cudurka 178 ka mid ah waxay ku jirin barnaamijka Daryeelka dhanka Guryaha Ku-saleysan halka 70 laga saaray cisbitaalada kala duwan.

Soo kabashada guud ee wadanka ayaa hada noqday 37,442.

Ismaamulada laga soo kala tabiyay kiisaskan cusub ayaa waxay kala yihiin Nairobi 362 kiis Nakuru 46, Meru 44, Busia 44, Kiambu 38, Bungoma 33, Machakos 24, Laikipia 23, Mombasa 19, Garissa 17, Marsabit 10, Kisumu 10, Kajiado 8, Kilifi 8, Uasin Gishu 8, Nyeri 8, Kakamega 3,Kwale 3,Makueni 3,Kisii, Murang’a, Nyandarua, Nandi iyo Isiolo min 2 kiis laga soo tabiyay halka Elgeyo Marakwet, Kitui, Tana River, Migori iyo Vihiga ayaa min 1 kiis laga soo sheegay.