Waxaa lagu waddaa in maanta Magaalada Jowhar lagu qabto munaasabad lagu dhaarinaayo xildhibaanada cusub ee baarlamaanka Hirshabeelle ee dhawaan lagu dhawaaqay.

Munaasabada dhaarinta ayaa waxaa ka qeyb gali doonnaa Guddiga doorashooyinka maamulka Hirshabeelle.

Waxaa sidoo kale lagu waddaa in maalinta berri ah ay yeeshaan kulankoodii koowaad oo ay iska dhex dooran doonaan Gudoomiye KMG ah.

Qaar ka mid ah xildhibaanada cusub ee dhawaan lasoo xulay ayaa shaaca ka qadin in maanta ay dhici doonto munaasabada dhaarinta.

Doorashada Gudoomiyaha baarlamaanka waxaa lagu waddaa in ay dhacdo shanta bisha soo socoto.