Laba Maxbuus oo kala ah Maxamed Cabdi iyo Xussein Mustafa oo lagu helay in ay ka mid ahaayeen weerarkii argagixiso ee Westgate mall ayaa lagu kala xukumay 33 iyo 18 sano oo xarig ah.

Garsooraha maxkamada Francis Andayion ayaa jumcihi sheegay in toddobada sano ee ay xirnaayeen laga jari doono xukunadooda.

Maxamed Cabdi ayaa hada xabsi ku jiri doonaa 26 sano halka Xussein Mustafa na uu 11 sano ku sii jiri doono.