Wadanka ayaa laga diiwaan geliyay 1,185 kiis oo cusub kuna sabsan ‘COVID-19’.

Tiradan cusub ayaa la soo tabiyay ka dib markii fayraska laga baaray dad dhan 9,851.

Wadarta guud ee coronavirus gudaha dalka ayaa hadda gaaray 53,797.
Kiisaska, 1,145 waa Kenyan halka 40 ajaanib noqdin.

Xagga jinsiga, 733 waa rag halka 452 ay dumar yihiin.

Kiisaskan cusub qof ugu yar ee caabuqa laga helay 11 sano jir kan ugu weyna uu 93 sano jir.

17 bukaan oo dheeri ah ayaa viruska uu geeriyoodin taasoo wadarta dhimashada ka dhigayso 981 qof.

Dhanka kale 272 oo hor leh ayaa ka bogsooday cudurka, 203 oo ka mid ah dadka caabuqa ka cafimaaday waxa ay ku jirin barnaamijka ku saleysan daryeelka guriga halka 69 laga saaray cisbitaalada kala duwan ee wadanka .

Soo kabashada guud ee COVID -19 ayaa hadda noqotay 35,876.

Ismaamulada kiisaskan cusub laga soo sheegay ayaa waxay kala yihiin ; Nairobi 373, Nakuru 157, Mombasa 118, Kiambu 94, Kisumu 61, Uasin Gishu 51, Kericho 39, Kakamega 38, Kisii 27, Nark 25, Trans Nzoia iyo Bomet 22, Kajiado 20, Siaya 19, Machakos 17, Bungoma 16, Meru 15, Busia 14, Makueni 10, Kilifi 8, Nyandarua 8, Vihiga lix, Nyamira lix, Elgeyo Marakwet iyo Laikipia min saddex kiis Homabay, Nandi 2, Embu 2, Murang’a 2 , Garissa, Kitui, Taita Taveta, Kirinyaga iyo Kwale ayaa midkiiba laga helay min hal kiis.