Hogaamiyaasha xisbiga ODM ayaa uga digay siyasiyinta Tangatanga oo ah xulufada madaxweyna kuxigeenka kicinta dadka Kenyanka isla markaana aysan adeegsanin ereyo aflagaado.

Waxaa hogaaminaya siyasiyinta ODM hogaamiye kuxigeenka xisbiga Hassan Joho, waxay sheegeen in kala qaybsanaanta iyo xukunka uusan ka shaqeyn doonin doorashada ku celiska ah ee Msambweni.

Joho ayaa sheegay in Msambweni ay tahay xarun ay ku xoogan yihiin xisbiga ODM, xisbigana uu guul weyn heli doonan dorashada kuceliska ee loo asteyay 15-ka bisha December.

Maalintii khamiista Senator-kii hore ee Kakamega Boni Khalwale, Senator-kii hore ee Mombasa Hassan Omar,sneterada sida magacibsta kusoo gasho senetka ee Falhadha Iman iyo Senatorka Kilifi Christine Zawadi iyo siyasiyiin kale ayaa sheegay in ay tgersan yihiin musharaxa madaxa banan ee madaxweyne kuxigeenka tageerayo ee Feisal Bader.