Wafdi ka socda Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada dagaalka ayaa booqasho ku tagaya dalka Suudaan si ay ugala hadlaan dowladda dalkaasi dacwadaha Madaxweynihii xilka laga qaaday ee Cumar Al-Bashiir iyo masuuliyiin kale oo hore, sida ay sheegtay dowladda Sudan.

Wafdiga, oo ay hogaamineyso dacwad oogaha maxmadda Icc Fatou Bensouda, waxay Sudan kala hadli doonaan “iskaashi” arrimaha ragga la raadinayo, ayaa lagu yiri bayaanka dowladda Sudan.

Maxkamadda waxay sheegtay in Bensouda iyo wafdi ay joogi doonaan Khartuum maalmo kooban,waana booqashadii ugu horreysay ee maxkamadda tan iyo markii xukunka laga tuuray Al Bashiir.

Bashiir, ayaa ku jiray xabsi ku yaal magaalada Khartuum tan iyo markii xukunka laga tuuray kadib mudaharaadyo waawayn oo sanadkii la soo dhaafay ka dhacay dalkaasi, waxaa ay maxkamada dambiyada dagaalka ee ICC-da ku soo oogtay dambiyo dagaal, xasuuq iyo dambiyo ka dhan ah aadanaha.

Maxkamada Hague ayaa ku eedeysay sanadihii 2009 iyo 2010 inuu Al bashir abaabulay xasuuqii ka dhacay gobolka Darfuur ee ka dhanka ahaa xukunkiisa oo lagu dilay ​​300,000 oo qof.