Musharaxiinta u tartameysa xilka madaxweynaha Mareykanka Donald Trump iyo Joe Biden ayaa maanta oo Axad ah codkooda weydistay codbixiyaasha iyadoo ololahooda ay kor u qaadayaan ka hor doodooda u dhaxeysaa labadan musharax dhamaadka isbuuucan.

Trump ayaa maanta u ambabaxay magaalada Nevada, oo ah magala codbixyaasha lagu xiflatamayo halkaas oo in ka badan 100,000 oo cod-bixiyayaal ay horay u dhiibteen codadka, sida laga soo xigtay xogta gobolkasi. Trump wuxuu olole u sameyn doonaa maalin kasta inta laga gaarayo doodda Khamiista,isagoo socdaal kumari doono Arizona iyo waqooyiga Carolina,sida u sheegay afhayeenka ololaha Trump Tim Murtaugh.

Dhanka kale Joe Biden ayaa isgana maanta oo Axadda ah gaadhay Waqooyiga Carolina, halkaas oo 1.2 milyan oo codbixiyayaal ah ay ka dhiibteen codkooda, sida laga soo xigtay xogta gobolka.Kuxigeenada Biden,haweyneda lagu magacaabo Kamala Harris, ayaa ku soo laaban doontaa ololaha Isniinta bari ah iyadoo oo booqasho ku tagaysa Florida si loo xuso maalinta ugu horreysa gobolkasi ee codka ay dhiban donan.

Illaa iyo hadda, 25.83 milyan oo qof ayaa horey u dhiibtay codadkooda ee doorashada madaxweynenimo ee loo asteyay 3 Nov, sida laga soo xigtay Mashruuca Doorashooyinka Mareykanka. Inta badan codbixinta hore waxay u sabab tahay walaac xagga fafitanka Covid 19 oo in ka badan 218,000 oo dad gudaha Mareykan ay u dhinteen halka 8.1 milyan oo kale u kudhacay.