Magaalada Jowhar ee Caasimadda Dowlad goboleedka Hir-Shabeelle waxaa manta gaaray Ugaasyada iyo odayaasha dhaqanka Beelaha Soomaaliyeed, iyada oo siwyen halkaasi loogu soo dhaweeyay.

Garoonka Diyaaradaha Magaalada Jowhar waxaa Odayaasha kusoo dhaweeyay Xubnaha Gudiga soo xulista Xildhibaanada Hirshabelle oo ugu Horeeyo Gudoomiyaha Guddiga Cismaan Baareey sidoo kalena ah Guddoomiyaha degmada Jowhar.

Ugaasyada iyo odayaasha dhaqanka ayaa la filayaa inay kulamo la xiriira arrimaha doorashooyinka Hir-Shabeelle la qaataan Madaxda sare ee Hir-Shabeelle oo mudada xilheyntooda uu dhamaaday, Guddiga xulista Xildhibaannada iyo Madax kale.

Ugaasyada iyo odayaasha dhaqanka ee Maanta gaaray ayaa waxaa kamid ah Maxamed Cali Yuusuf ahaa siihayah Imaamka Muddulood balse dhawaan laga qaaday iyo Xubno kale.