Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo Maanta dib ugu laabtay Garoowe ayaa sheegay in Puntland ay ka hortegi doonto waxkasta oo keeni kara dhibaatooyin amni darro.

Waxaa uu sheegay in Shacabka ku nool degaannada puntland looga baahan yahay inay isku duubni muujiyaan, isla markaana Ciidamada ay howlgallo ka fulin doonaan meelaha ay Puntland kaga sugan yihiin Ururka Al-Shabaab.

“Puntland waxaa diyaar u tahay inay sugato amnigeeda sidoo kalena ay ka qeyb qaadato dowlad dhisida Soomaaliya, waxaana codsan lahaa in laga wada qeyb qaato sugida Amniga degaannada Puntland lagana howlgallo meelaha ay ku sugan yihiin Al-Shabaab ayuu yiri” Madaxweyne Deni.

Hadalka Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli degaano ka tirsan Gobolka Bari ay mararka qaar weeraro iyo qaarxyo ay ka geystaan Xubno ka tirsan Al-Shabaab iyo Kooxda Daacish.