Dalka ayaa maanta oo Axad ah laga soo tabiyay 44,881 kiis oo ‘Covid-19’ ah kadib markii 685 qof oo dheeraad ah laga helay fayraska 24-kii saac ee la soo dhaafay.

Wasiirka Caafimaadka dalka Mutahi Kagwe ayaa sheegay in heerka cudurka haatan uu kufafayo uu cirka isku shareeray oo uu yahay 12 boqolkiiba marka loo eego 4 boqolkiiba ee hore markii uu madaxweyne Uhuru Kenyatta ku dhawaaqay in qeyb ahaan dib loo furayo dhaqaalahan dalka .

Waxa uu sheegay in tijaabooyinka is biirsaday ay haatan gaartay 621, 976 tan iyo markii kiiskii ugu horreeyay la xaqiijiyay bishii Maarso ee sanadkan.

Kagwe wuxuu sheegay in 685 bukaan ee cudurka laga helay, 635 ay yihiin Kenyan halka 50 kale ay yihiin ajaanib.

Tirada 456 ka mid ah waa rag halka 229 ay yihiin dumar iyadoo midka ugu yar uu jiro hal sano halka bukaanka ugu weyn yahay 99 jir.

Kagwe wuxuu sheegay in u jira walaac walwal leh oo sii kordhaya ee bukaanada loo gudbnayo qolka bukanada xaladood liidata ee ICU-da iyadoo 28 bukaan ay hada kujiraan xalaad deg deg ah.

Toban ka mid ah bukaannadan ayaa hada isticmalayaan qalabka neefsashada ee hawo-mareenka, 14 bukaan kujiraan qalabka oksijiin dheeriga ah halka 4 kale kormeer lagu wado.

Kagwe ayaa sheegay in ay jiraan in ka badan 1,000 qof oo la dhigaay xarumo caafimaad oo kala duwan iyadoo badankood ay asal ahaan ka soo jeedaan xabsiyada.

Wasiirka ayaa sheegay in ismaamulada Nairobi, Mombasa iyo Nakuru ay yihiin ismaamulada kiisaska sii kordhaya.

105 bukaan ayaa kasoo kabsaday fayraska taasi oo tirada soo kabsashada dalka kadhigaysa 31,857 soo kabsasho ah.

Nasiib darro, 7 bukaan oo dheeri ah ayaa cudurka u dhintay taasoo ka dhigaysa tirada guud ee dhimashada la xarirta Covid19 832 dhimasho ah.