Tirooyinka malinlaha ah ee covid 19 gudaha dalka ayaa maanat oo Jimca waxaa lasoo tabiyay 437 kiis iyadoo kisaska guud corona ee gudaha dalka ay gareen 43,580.

Tirada maanta ayaa la ogaaday kadib baritaan lagu sameyay 4,311 qof oo la tijaabiyay 24-kii saac ee la soo dhaafay.

Wasaaradda caafimadka dalka ayaa ka digtay suurta galnimada mawjad labaad ee fayraska oo suuro gal ah kadib markii ay soo bateen kiisas dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay.

Wasaaradda caafimaadka ayaa warbixin ay soo saartay ku xaqiijisay in 430 ka mid bukanada maanta ay yihiin Kenyan halka todoba ay yihiin ajaanib.

Tijaabooyinka isugeyntu gudaha dalka waxay gaaren 611,552 oo tijaabo ah.Dhanka jinsiga 253 waa rag halka dumarka ay yihiin 184.

Dhanka da’ada,bukaanka uguu yar ayaa jiraa afar bilood halka kan ugu weyni yahay 95 sano jir.

140 bukaan ayaa fayraska kasoo kabsaday iyadoo kasoo kabsashada la xarirta Covid19 ay gaartay 31,648 soo kabsasho ah.

Nasib daro wasaradda caafimadka ayaa xaqijisay in 8 bukaan ay u dhinteen fayraska 24kii sac ee lasoo dhaafay taas oo tirada guud ee dhimashada la xarirta corona gudaha dalka kadhigaysa 813 dhimasho ah.