Dowladda Thailand ayaa soo saartay amar degdeg ah oo lagu mamnuucayo mudaaharaadyada looga soo horjeedo boqorka Thailand, Boqor Maha Vajiralongkorn iyo Ra’isulwasaare Prayuth Chan’ocha.
War laga sii daayay Telefeshinka Qaranka Thailand ayay dowladda ku sheegtay in loo baahan yahay in la qaado tallaabooyin si loo ilaaliyo nabadda iyo kala danbeynta.
Amaradan ayaa yimid ka dib markii qaar kamid ah bannaan-baxayaasha ay shalay oo Arbaco aheyd is hortaageen taraafikada Boqortooyada Thailand.
In ka badan 20 qof ayaa la xiray iyada oo ay kamid ahaayeen dadka la xiray saddex hoggaamiye oo horboodiyay dibadbaxyada looga soo horjeedo xukuumadda iyo Boqortooyada Thailand.
Dibadbaxyadan oo ay hoggaamiyaan ardayda Thailand ayaa lagu dalbanayaa inuu iscasilo ra’iisul wasaare Prayuth Chan-ocha. Abaanduulihii hore ee ciidamada Thailand Prayuth ayaa xukunka ku qabsaday qaab afganbi sanadkii 2014-kii ka hor intii aan loo magacaabin Ra’iisul wasaaraha Thailand sanadkii hore ka dib markii ay dhaceen doorashooyin natiijadooda muran badan la galiyay.
Dibadbaxyadan ayaa ballaartay bilihii la soo dhaafay waxaana kamid ah waxyaabaha ay dalbanayaan dibadbaxayaasha in wax laga badalo dastuurka Thailand lana xakameeyo awoodda Boqorka.