Sideed qof ayaa ku dhimatay laba shil oo is xigxigay oo ka dhacay ismaamulka Homa Bay.

Saddex qof ayaa ku dhimatay shil ay ku lug lahaayeen mooto iyo booyad shidaal wadada Gamba-Oyugis ee deegaanka Kasipul.

Wadaha mootada iyo labadiisa rakaab oo isku qoys ah ayaa isla goobta ku dhintey ka dib markii gaari shidaalka uu kontroolka lumiyay . Mootada iyo gaariga xamuulka ah ayaa kusii jeeday magaalada Oyugis.

Shilku wuxuu dhacay abbaare 7:30 fiidnimo ee xalay markii darawalka baabuurka xamuulka uu isku dayey inuu kahor maro mootada,isagoo markii danbe ku dhuftay wadaha mootada rakaabkiisa.

Isagoo la hadlayey warbaahinta, taliyaha bilayska aaggasi Lili Wachira ayaa xaqiijiyey wadaha mootada iyo rakaabkiisii ​​isla goobta ku dhinteen.

Meydadka dadka dhintay ayaa la geeyay qeybta meydadka la dhigo ee cisbitaalka koonfurta Rachuonyo halka burburka iyo mootada la geeyay saldhiga booliska ee Oyugis.

Dhacdadan ayaa dhacday seddex saac kadib markii shan qof oo isku qoys ah ay dhinteen halka lix kale ay ku dhaawacmeen shil gaari oo ka dhacay deegaanka dariska la ah ee Kabondo Kasipul.

Shilka fiidnimadii xalay wuxuu ka dhacay meel u dhow suuqa Kadongo oo ku teedsan wadada Oyugis-Kisumu.

Saddex haween ah ayaa isla goobta ku dhintey halka nin iyo haweeney kale ay kudhinteen cisbitaalka iyagoo la daweynayay.

Lixda xubnood kale ee qoyska ah ee musiibada ka badbaaday ayaa la dhigay cisbitaalka.