Khilaafka u dhexeeya dalalka Armenia iyo Azerbeidzjan ayaa markale cirka isku shareeray Arbacadii la soo dhaafay waxaana la sheegay in isku dhacyo horleh ay ka dhaceen gobolka Nagorno-Karabakh.

Dagaallada ka socda gobolka Nagorno-Karabakh ayaa galay todobaadkii sadexaad iyada oo uu jiro heshiis xabad joojin ah uu dallaal ka yahay Ruushka.

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin oo taleefanka kula hadlay dhigiisa Madaxweynaha dalka Turkiga Rajab Dayib Ordogaan, ayaa carrabka ku adkeeyay baahida loo qabo in la ixtiraamo heshiiska xabadjoojinta ee lagu waday inuu dhaqan galo Sabtidii la soo dhaafay.

Sida lagu sheegay Warbixin ka soo baxday Aqalka Kremlinka ee looga taliyo Ruushka, labada hoggaamiye ayaa carrabka ku adkeeyay baahida loo qabo in ay dadaallo wadajir ah ku bixiyaan soo afjaridda dagaalka dhiigga badan ku daatay ee Nagorno-Karabakh.

Xiriirka dhexmaray labada madaxweyne ayaa ah kii ugu horreeyay tan iyo markii uu bilowday khilaafka Nagirno-Karabakh.

Heshiis xabadjoojin ah oo ay kala saxiixdeen Armenia iyo Azerbeidzjan ayaa jabay ka dib markii uu dib u Bilowday dagaalka. Labada dal ayaa midba midka kale ku eedeeyay inuu jebiyay Heshiiska xabad joojinta.