Jarmalka ayaa soo saari doona tallaabooyin adag oo ku saabsan isu imaatinada iyo af-xirashada si loola dagaallamo kororka Caabuqa Korona feyras, sida ay sheegtay Hoggaamiyaha Jarmalka Angela Merkel Arbacadii ka dib wadahadallo ay la yeelatay madaxda 16-ka dowlad-goboleed oo Jarmalka ka dhisan.

dalka ugu dhaqaalaha badan Yurub ayaa bilaabi doona in lagu soo rogo xaddidaad dadka isugu imanaya munaasabadaha iyo sidoo kale maaskaro qasab ah oo lagu xirto haddii ay xaaladdu sidan ku si socoto.

Tirada dadka loo oggol yahay inay fagaaraha isugu yimaadaan ayaa ah 25 qof gudaha Jarmalka iyo sidoo kale 15 qof meelaha gaarka loo leeyahay sida xafiisyada.