602 qof oo dheeri ah ayaa maanta oo khamiis ah laga helay cudurka ‘Covid-19’ kadib baritaan lagu sameyay 5,618 qof oo la tijaabiyay 24-kii saac ee la soo dhaafay,sida ay Wasaaradda Caafimaadka dalka sheegtay.

Kiisaska manta dadka laga helay, 585 waa Kenyan halka 17 ay ajaanib yihiin. 407 waa rag halka dumarkuna yihiin 195.Dhanka d’ada bukaanka ugu yar waa cunug hal sano jir ah halka kan ugu weyni uu yahay 93 jir.

Magaalada Nairobi ayaa hogaamineysa tirada malinlaha ah ee fayraska iyadoo 133 kiis laga soo tabiyay Nakuru 47, Uasin Gishu 47, Kilifi 46, Kisumu 46, Mombasa 44, Kericho 32, Kakamega 28, Turkana 25, Kisii 21, Machakos 20, Laikipia 13, Nyandarua 12, Bungoma 12, Kiambu 11, Nandi 10, Busia 7, Kajiado 7 iyo Baringo 6.

Isla mar ahaantaana, 80 qof ayaa ka bogsaday cudurka, 51 ka mid ah barnaamijka daryeelka guriga ku saleysan kusoo kabsaday halka 29 ay bogsadeen iyagoo kusugan gobaha caafimadka,tani waxay ka dhigaysaa wadarta guud ee soo kabashada dalka 31,508 soo kabsasho ah.

Wasaaradda ayaa sidoo kale shaacisay in siddeed bukaan ay u dhinteen cudurka 24-kii saac ee la soo dhaafay, taas oo wadarta dhimashada ka dhigeysa 805.