Xafiiska agaasimaha dacwad oogista dalka ayaa dacwad dil ah oo ka dhan ah xildhibanada laga soo dorto degaanka Malindi Aisha Jumwa oo kusabsan dil shaksi loo geestay doorashadii ku celiska ahayd ee Ganda sanadkii hore gudbiyay.

Waaxda dacwad oogista ayaa maanta oo Arbaca ah sheegay in madaxa ismaamulka Mombasa ee baritanada dambiyada Alloys Kemo uu ogolaaday dacwado dil iyo gacan ka hadal ah oo lagu soo oogay Jumwa iyo Geoffrey Okuto Otieno sababo la xiriira toogashada dilka ah ee loo gestay hal qof iyo dhaawaca dhowr qof oo kale intii ay socotay doorashada kuceliska.

Ninkan dhintay ayaa laga toogtay garabka isagoo markii danbe dhintay waxaana dhaawacmay dhowr qof oo kale oo ay kujiraan saraakiil boolis.

Mrs Jumwa ayaa xoog ku gashay kulan uu abaabulay Reuben Katana, oo ah musharax ODM ee doorashada ku celiska aheyd.

Gumbao Jola, oo 48 jir ah, ayaa dhintey markii la geyay cisbitaalka Guud ee Malindi,Wuxuu ahaa musharaxa xisbiga ODM ee Katana adeerkiis.

Eedeymaha dilka ayaa yimid dhowr bilood ka dib markii Jumwa lagu siidaayay lacag dhan 5 milyan oo shilinka dalka ah ka dib markii lagu soo oogay lix dambi oo la xiriira xatooyo lacageed, kasbashada lacag dadweyne, dano shakhsiyaded oo laga hormariyay danta guud ee bulshada iyo khiyaano ay kula kacday xafiskeeda.