11-kii Bishaan ayaa Hooyo saddex carruur ah lahayd oo lagu Magacaabi jiray Ugbaad Cali Cabdullaahi waxaa kufsi iyo dil loogu geystay magaalada Burco ee ka tirsan degaannada Soomaliland, waxaana kufsigaas war ka soo saaray soomaliland.

Wasiirka Arrimaha gudaha ee Somaliland Maxamed Kaahin Axmed, ayaa sheegay in Soomaaliland marnaba ogolaneynin in kufsi iyo dil uu ka dhaco degaannadeeda, isla markaana tallaabo ay ka qaadayaan dadka ka dambeeyay.

Waxaa uu sheegay wasiirka in shaqsigii ka dambeeyay falka dilka iyo kufsiga ah ee ka dhacay Magaalada burco ay cadaaladda horkeeni doonaan, waxaana uu u digay dad uu sheegay in ay doonayaan in si hoose loo xaliyo dhacdadaas.

Bilihii la soo dhaafay ayaa waxaa dalka soomaliya kusoo batay falalka la xiriira kufsiga iyo dilka loo geysanayo Haweenka, iyada oo weli aysan jirin cid ilaa iyo hadda loo maxkamadeeyay falkaasi.