Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa Xarunta Madaxtooyada Magaalada Baydhabo kuso dhoweeyey Wafdi uu Hogaaminayey Wakiilka Qaramada Midoowey u qaabilsan Arimaha Soomaaliya James Swan ay qeyb ka ahaayeen Wafdiga Wakiilada EU Nicolas Berlanga,Midowga Africa Francisco Madeira iyo IGAD Jamaal Xaaji Axmed.

Soo dhoweyn ka dib Madaxweynaha iyo Xubno katirsan Golaha Wasiirada Taliya Qeybta 60aad CXDS iyo Agaasimaha Guud Madaxtooyada ayaa xafiiska kulan kula qaatay Wafdiga maanta baydhabo gaaray Waxaana ay kawada Hadleen Arimaha Doorashooyinka, Xiriirka Dowlada Federaalka iyo Dowlada koonfur Galbeed,Xoojinta Amniga Xiliga kala guurka, Arimaha Gargaarka iyo ka hortaga Cudurka Covid19.

Wakiilada ka kala Socday Beesha Caalamka ayaa Bogaadiyey Doorka Madaxweyne Cabdicasiis lafta gareen ku lahaa qabsoomida Shirkii looga hadlayey Arimha Doorashooyinka ee udhaxeyey Madaxda Federaalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah ee sideedii Septemar 2020 heshiis loo dhanyahay laga gaaray sido kale Madaxda ayaa Amaanay Dadaalada uu ku bixinayo Madaxweynaha Wanaajinta Xiriirka Dowlada Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada si looga miradhalo Hiigsiga Shacabka Soomaaliyeed oo ah Hormar iyo Amni Sidoo kale Wafdiga ayaa Madaxweynaha kala hadlay sidii loo xaqiijin lahaa Amniga Goobaha la qorsheeyey inay Doorashada ay ka dhacdo.