Tobanaan kun oo dad ah oo ku sugan koonfurta Afghanistan ayaa ka qaxay guryahooda ka dib dagaalo culus oo maalmo socday oo u dhaxeeyay Taliban iyo ciidamada dowladda Afghanistan,iyadoo saraakiisha Afghanistan ay sheegeen in rabshadaha ay sii socdaan iyadoo ay socdaan wadahadalo nabadeed.

Dagaalyahanada Taalibaan ayaa weeraro isdaba joog ah ku qaaday magaalada Lashkar Gah ee gobolka Helmand isbuucan, taas oo keentay in Mareykanku uu ku baaqay duqeymo cirka ah oo lagu taageerayo ciidamada dowlada Afghanistan.

Dagaalka ayaa wuxuu ka socday ugu yaraan afar degmo maanta oo Arbaca ah,sida ay saraakiisha Afqaanistaan sheegeen, iyagoo intaa ku daray in ciidamada ammaanku ay ka hortageen weerarro soo noqnoqday oo Taalibaan ku soo qaadaan aagga.

Dagaalada qaraar waxay keeneen qaxitaanka dadka deegaanka oo ku xoomay mootooyinka, tagaasida iyo basaska.

Howlgalka Kaalmeynta Qaramada Midoobay ee Afghanistan waxaa ay ugu baaqen kooxda Taalibaan iyo ciidamada amaanka inay dhaqan galiyaan dhamaan talaabooyinka suuragalka ee xabadjojinta ah si loo ilaaliyo dadka rayidka ah,si loo helo wadooyin nabdoon si dadka aaga kabixi rabo ay umaraan.