Tirooyinka malinlaha ah ee covid 19 gudaha dalka ayaa kor u kacday maanta oo Arbaca ah iyadoo 604 kiis oo fayraska maanta dalka laga diwaan galiyay tiradaas oo kisaska corona guud ahaan dalka ka dhigaysa 42,541 oo kiis.

Tirada maanta ayaa la ogaaday kadib baritaan lagu sameyay 5,832 qof oo la tijaabiyay 24-kii saac ee la soo dhaafay.

Wasaaradda caafimadka dalka ayaa ka digtay suurta galnimada mawjad labaad ee fayraska oo suuro gal ah kadib markii ay soo bateen kiisas dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay.

Wasaaradda caafimaadka ayaa warbixin ay soo saartay ku xaqiijisay in 583 ka mid bukanada maanta ay yihiin Kenyan halka 21 ay yihiin ajaanib.

Tijaabooyinka isugeyntu gudaha dalka waxay gaaren 601,623 oo tijaabo ah.Dhanka jinsiga 400 waa rag halka dumarka ay yihiin 204.

Dhanka da’ada,bukaanka uguu yar ayaa jiraa shan bilood halka kan ugu weyni yahay 94 sano jir.

88 bukaan ayaa fayraska kasoo kabsaday iyadoo kasoo kabsashada la xarirta Covid19 ay gaartay 31,428 soo kabsasho ah.

Nasib daro wasaradda caafimadka ayaa xaqijisay in 10 bukaan ay u dhinteen fayraska 24kii sac ee lasoo dhaafay taas oo tirada guud ee dhimashada la xarirta corona gudaha dalka kadhigaysa 797 dhimasho ah.