Dhibaatada caafimaadka maskaxda ayaa sare usii kacday xaraya qaxootiga ee Dadaab.

Khubarada caafimaadka dhimirka ayaa sheegaya in tirada iskudayada isdilka ah ay sii kordheyso isla markaana la tashiyada nafsiga iyo bulshada ay kor uga kaceen in ka badan 50 boqolkiiba sanadkii hore.

Dhagaxley, oo ka mid ah saddexda xero qaxooti ee Dhadhaab, la-talinta cilmu-nafsiga ayaa kor oga kacday 505 oo ay gaartay 766 muddadii sanadka ahayd,sida ay sheegen Dhakhaatiirta Aan Xudduudda Lahayn ee kahowlgala xeradaasi.

Isla xeradaas Dagaxley, shan qof ayaa lagu soo waramayaa inay isku dhileen gacantooda labadii bilood ee la soo dhaafay.

Kahor faafitanka Covid-19, qaxooti badan oo ku sugan xarayaha qaxootiga Dadaab ayaa horayba uga niyad jabsanaa horumar la’aanta ka jirta xerayaha iyo raadinta xal kusabsan nolashooda,sida uu ururuka sheegay.

Dhammaan xeryaha qaxootiga ee dalka kuyaala,xawilaadda lacagta iyo deeqa cuntada ayaa hoos u dhacay inta u dhexeysa 10 ilaa 30 boqolkiiba, iyada oo Barnaamijka Cunnada Adduunka uu dhimay 40 boqolkiiba deeqi u bixin jiray.

Dhimista raashinka oo ay weheliso shaqo la’aan iyo hubin la’aanta mustaqbalka ayaa abuuray dhibaato cusub oo xagga maskaxda ah, sida ay sheegeen khubarada maskaxda.

Dalka Kenya, oo ka mid ah dalalka ugu sareysa ee martigaliya qaxootiga ee Afrika, waxaa ku nool qiyaastii 489,000 oo qaxooti ah iyo 18,500 oo dad aan wadan lahayn, sida ay sheegtay Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga UNHCR.

Ururada bani’aadamnimada waxay ugu baaqeen dowladda dalka inay qaxootiga ku darto qorshayaashooda soo kabashada ee ‘Covid-19’.