Hogaamiyaha mucaaradka dalka Uganda Bobi Wine ayaa sheegay in saraakiisha booliiska iyo militariga ay weerareen xarunta ololaha ee xisbigiisa cusub, isagoo ka deyriyay wax uu ku tilmaamay iskaashiga hay’adaha amniga in ay carqaladeyaan dorasha xor iyo xalal ah ee lagu wado in ay qabsomto sanadka 2021.

Qoraal uu maanata oo Arbaca ah soo dhigay bartiisa Twitter-ka,heesaga caanka ah ee isu badalay siyaasiga oo magaciisa saxda ah uu yahay Robert Kyagulanyi Ssentamu, ayuu ku sheegay in ciidamada amaanka ay qaateen dukumiintiyo iyo waxyaabo kale oo aan carababin.

Bobi Wine ayaa la kulmayay hogaamiyaasha kale ee xisbigiisa National Unity Platform markii ay booliisku gudaha u galeen oo ay xireen xaruntiisa, sida uu sheegay David Lewis Rubongoya oo ka tirsan xisbiga.

Rubongoya, oo ku sugnaa goobta, ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Associated Press in saraakiisha ammaanku ay la wareegeen waxyaabo ay ka mid yihiin kaamirooyinka amniga iyo agabyo ka mid ah qalab guduudan oo calaamad u ah xisbiga Bobi Wine.

Bobi Wine, oo dhowr jeer la xiray sanadihii la soo dhaafay, wuxuu soo jiitay dhalinyaro badan oo reer Uganda ah isaga oo uguu baaqaya Madaxweyne Yoweri Museveni in uu howlgab noqdo oo kursiga baneeyo. Tan iyo markii uu muujiyey hankiisa madaxweynenimo, booliska iyo milatariga ayaa dhowr jeer kala eryay isu soo baxyadiisa halkasi qaar kamid ah taageerayaashiisa la xiray.

Bobi Wine wuxuu hiigsanayaa inuu soo afjaro mudada 34ka sano ee uu hogaanka u hayey wadanka Uganda madaxweyne Museveni, taas oo ka dhigtay inuu noqdo madaxweynaha saddexaad ee ugu xukunka dheer qarada Africa.