Booliska ayaa soo helay 169 moobil oo noocyo kala duwan ah oo laga dhacay dadka ku dhaqan caasimada dalka ee Nairobi intii lagu guda jiray howlgalka si wax looga qabto kiisaska dhaca ee bartamaha Caasimada.

Qalabkan waxaa lagu soo qabtay hawlgal ka dhacay magaalada oo uu isku dubbaridayey abaanduulaha booliska ee ismaamulka Nairobi Rashiid Yacquub.

Dadweynaha ay kamaqan yihiin teelka gacanta oo horaan laga dhacay ayaa waxaa laga codsaday inay soo booqdaan saldhigga dhexe ee bilayska si loo aqoonsado.

Dhowr bilood ka hor,waaxda Dambi baarista dalka ee DCI-da ayaa baaritaan ku bilaabay dhacdo lagu qabtay seddex tuhmane oo 525 taleefannada gacanta lagu helay gudaha magaladda Nairobi.

Taliyaha qeybta hoose ee bilayska Mark Wanjala ayaa sheegay in 525 taleefannada gacanta ah oo badankood yihiin taleefannada casriga ah laga soo helay dukaan ku yaal Muthurwa.

Bishii Diseembar 28 ee sanadkii hore, 10 qof ayaa la xiray iyadoo 149 taleefannada gacanta lagu soo qabtay howlgalkaasi.