Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa kulan kula qaatay magaalada Nairobi ee dalka Kenya Xildhibaanada Soomaalida ah ee ku jira Baarlamaanka dalka Kenya.

Xasan Cali Khayre oo hore u shaaciyay inuu yahay musharax Madaxweyne ayaa ololihiisa doorashada ka bilaabay magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya oo inta badan ay ku sugan yihiin Siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee doonaya in ay u tartamaan kursiga ugu sareeya dalka soomaliya.

Kheyre ayaa kala hadlay Mudanayaasha Baarlamaanka Kenya xaaladihii ugu dambeeyay ee siyaasada dalka Soomaaliya iyo dalka Kenya.

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa hore booqasho ugu tegey dalka Jabuuti isagoo kula soo kulmay madaxdweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.