Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump, oo muddo 10 maalmood ah ku jiray isbitaal iyo Aqalka Cad sababo la xiriira COVID-19 ayaa isniintii shalay aheyd ololaha doorashada kula hadlayey taageerayaashiisa gobolka xifaaltanka weyn kajira ee Florida oo mudo saddex isbuuc u kuwajihi doono musharax sida weyn tartanka kula jira Dimuqradiga ee Joe Biden.

Kooxda caafimaadka ee MW Trump ayaa ku dhawaaqay inay ay tijaabiyeen madaxweynaha oo hada ololihiisa dorashada sii wadi karo halkaasi oo u dhuulay gobolka Florida oo kamid ah afar gobol oo loolan adag kajira halkaasi oo boqasho afar maalin kujoogi doono.

MW Trump ayaa wajahay cambaareyn isa soo taraysa oo ku saabsan sida uu u maareeyay cudurka ‘coronavirus’, kaasoo dalka Mareykanka u dhinteen 214,000 oo qof isla markaana uu ku dhacay ku dhowaad sideed milyan oo qof.

MW Trump ayaa sidoo kale ku jeesjeesay ninka ka soo horjeeday, oo uu ku naanaysiyay hurday,isaga sheegay in kalsooni iskuqabo oo afar sano dheeri madaxweyne dalka Mareykanka usii ahaan doono.