Iskuulada ku yaalo Ismaamulka Kitui oo dib loo furay Isniinta shalay ayaa tiro aad u badan oo ardeyda ah ay ku guuldareysteen inay soo xaadiraan iskulada.

Baadhitaan lagu sameyay dhowr dugsi ismaamulka Kitui,ayaa lagu ogaaday in ka badan kala badh ardaydii laga filayey inay soo xadiraan iskulada ay maqan yihiin.

Dugsiga Sare ee Itivanzou Mixed, kaliya 12 ka mid ah 44tii arday ee la filaayay ee Fasalka 4 ayaa xaadir yihiin.

Maamulaha dugsigaasi Andrew Muli ayaa sheegay in u fahmin sababta ay u maqan yihiin ardayda badankood.

Dhanka kale dugsiga Hoose ee Itivanzou,ardayda ka soo qaybgalay fasalada waxay ahaayeen qiyaastii rubuc ka mid ah ardayda la filayay ee Fasalka 4 iyo Heerka 8aad.

Agaasimaha waxbarashada ee ismaamulka Kitui ayaa sheegay in u rajo weyna ka qabo in ay wax isbadali doono.