Hogaamiyaha mucaaradka dalka Malaysia Anwar Ibrahim ayaa la kulmay boqorka wadanka Malaysia subaxnimada maanta wuxuuna uu gudbiyay boqorka dukumiintiyo cadenaya inuu haysto taageerada baarlamaanka ee looga baahan yahay inuu noqdo ra’iisul wasaare wuxuuna ku booriyay madaxweynaha hada xilka haya Muhyiddin Yassin inuu is casilo.

Shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaladda Kuala Lumpur ka dib kulanka saacadaha qaatay, Anwar wuxuu sheegay in uu tusay boqorka cadeymo muujinaya in aqlabiyad uu ku dhex leeyahay baarlamaanka.

Anwar wuxuu sheegay inuu haysto taageerada in ka badan 120 xildhibaan oo kamid ah 222-ka xubnood ee baarlamaanka, isagoo shaaciyey tirooyinkiisa markii ugu horreysay tan iyo markii lagu dhawaaqay natijada doroshada bishii hore inuu helay aqlabiyad si uu u soo dhiso dowlad cusub.

Anwar wuxuu sheegay in hada ay u taalo boqor Abdullah Sultan Ahmad Shah inuu go’aansado talaabada xigta.

Bayaan uu soo saaray, xafiiska boqorka wuxuu ku qiray in Anwar uu soo bandhigay dukumiinti intii uu socday kulanka, laakiin ma uusan bixin liiska magacyada xildhibaanada.