Wasiirada wasaradda dhulka Farida Karoney ayaa ku dhawaaqday qorshayaal ay ku soo saarayso 90,000 oo waraaqaha lahaansha dhulka ee dadka ku nool gobolka Xeebta marka la gaaro bisha Diseembar ee sanadkan.

Iyadoo oo la hadashay warbaahinta ka dib kulan ay la yeelatay dadka degan Mikanjuni ee Mtwapa dhamaadka isbuucan, Karoney waxaa ay sheegtay in dowlada ay daneyneyso in ay xalliso arrimaha dhulalka ee mudada dheer ka tagnaa gobolka xeebta.

Sida laga soo xigtay Karoney, qaar ka mid ah dadka ka-faa’iideysan doono qorshahan ayaa waxaa kamid ah 1,300 qoys oo ku nool Mikanjuni kuwaas oo dib u dejin looga sameyn doono dhul dhan 91 hektar oo ay dowladdu soo iibsatay sannadkan.

Waxay oga digtay dadka deegaanka inay iibiyaan dhulkooda markay helaan warqadaha lahaanshaha, iyadoo raacisay in horumarka ka socda gobolka uu kordhin doono qiimaha dhulka.

Wasiirada waxaa ku weheliyey boqashadeed gobolka xeebta Xoghayaha Maamulka Dhulka Giddoon Mung’aro intii lagu guda jirey socdaalkii shaqo waxaa ay sidoo kale boqasho ku martay Kwale, Kilifi, iyo Mombasa.

Bishii la soo dhaafay, dowladda ayaa ku dhawaaqday qorshayaal ay ku soo saarayso in ka badan 18,653 waraaqaha lahaanshaha dhulka ah laga bilaabo bisha soo socota.

Dhanaka kale wasiirada dhulka ayaa sheegay in dowlada ay aad u daneyneyso in ay hubiso in dhamaan milkiilayaasha guryaha ee dhabta ah ee kuyaala magaalada Nairobi ay leeyihiin warqadaha lahaanshaha kadib tobanaan sano oo ay sugayeen warqadaha lahanshaha dhulka.