Cristiano Ronaldo ayaa laga helay cudurka coronavirus,sida ay xaqijisay xiriirka kubada cagta ee dalka Portugal maanta oo talaada ah.

Weeraryahanka Juventus ee loo codeeyay ciyaaryahanka ugu sareeya cubad gacanta adduunka shan jeer ayaa ciyaaray ciyaartii Portugal ee bareejo goolal la’aanta ka dhacday Nations League ee ay la ciyaareen xulka Fransiska balse uu xidigan seegi doono ciyarta u dhaxeyo xulkiisa Portugal iyo Xulka Sweden malinka Arbacada.