Madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto ayaa loo ogolaaday inuu labo kulan oo iskusoo bax dadweyne ah ku qabto ismaamulka Nyamira maalinta khamiista kadib markii xildhibanada isaga taabacsan ay codsi u gudbiyeen booliska.

Madaxweyne kuxigeenka ayaa maalinta qorsheenayaa in lacag aruurin u kasameeyo degaanka koonfurta Nyamira halka dhanka kale u lacag aruurin u suubin doono khanisad kuyaasha deegaan barlamaneedka Kitutu Masaba.

Labadan hawlood waxaa lagu waday in ay qabsomaan khamista isbuuci hore balse waxaa hakad galiyay iskusoo baxyadaas booliska oo sheegay in aan wax fasax laga haysanin saraakisha booliska.

Booliska ayaa adeegsaday isbuuci hore sunta dadka ka ilmaysiisa si ay u kala eryaan dadweyne iskuu soo baxay dugsiga hoose ee Kebirigo si ay usoo daweyaan madaxweyne kuxigeenka dalka.

Toddobaadkii hore, madaxa adeegga dadweynaha Jospeph Kinyua ayaa uga digay siyaasiyiinta ficilada kusaleysan rabshadaha wuxuuna u soo bandhigay sharciyo adag sida uu qabo sharciga booliska ee kala dambeynta dadweynaha ee qabashada isku soo baxyada.

Sharcigan adag ee ku aadan iskusoo baxyada dadweynaha ayaa timid ka dib markii qalalasa dhimashada kadhashay ay ka dhacday kaniisadda AIPCA ee ku taal Kenol ee ismaamulka Muranga, halkaas oo Mr Ruto ay ahayd inuu ku qabto lacag ururin.

Mashaqadaasi waxaa kudhintay Laba dhalinyaro ah.