Dalka ayaa maanta oo Talaada ah laga diiwaan galiyay 318 kiis oo cusub oo ‘Covid-19’ ah, taas oo wadarta guud ee tirada corona dalka ka dhigeysa 41, 937 oo kiis.
Tirada maanta ayaa la ogaaday kadib baritaan lagu sameyay 2,592 qof oo la tijabiyay 24-kii saac ee la soo dhaafay, taasoo ka dhigeysa tirada isugeyntu ee tijaaboyinka dalka 595,791 oo tijaabo ah.
Bukaanada cusub ee cudurka maanta laga helay 215 kamid ah waa rag halka 103 ay yihiin dumar.
Dhanka da’ada,bukaanka ugu yar ayaa jira seddex sano halka kan ugu weyn uu yahay 90 sano jir.
Bukaanada soo kabasadeen, 243 bukaan oo dheeri ah ayaa kasoo kabsaday fayraska, taasoo wadarta guud ee soo kabashada dalka ka dhigeysa 31,340 soo kabsasho ah.
Nasib daro, 10 qof ayaa u dhintay fayraska, iyada oo tirada dhimashadu kor u kacday oo ay gaartay 787 dhimasho ah.