Maxkamad ku taal degaanka Kibera ee magaladatani Nairobi ayaa laba sano xabsi ku xukuntay kaaliye xafiiska kasoo xaday laba computer oo qaali ah oo qiimahoodu dhan yahay 250, 000 oo shillinka dalka ah.

Collins Kimutai waxaa lagu eedeeyay inuu xaday computaradan si uu xamilo baahida qoyskisa intii uu socday faafitanka cudurka Covid-19.

Dambile Kimutai ayaa falkaasi xatooyada kukacay 18ka bisha Sebtember xarunta oo ka howlgalayay oo kuyaasha xafada Kilimani ee islama magaladatani Nairobi.

Kimutai waxaa xukumay garsooraha maxkamadda Kibera Abdulqadir Lorot ka dib markii uu qirtay dambiyada lagu soo eedeeyay.

Wuxuu sheegay inuu alaabadaas xaday oo uu iibiyey si uu lacag ugu helo qoyskiisa. Wuxuu u sheegay maxkamadda in aan wax mushaar ah la siinin muddo dheer sidaa darteedna uu go’aansaday inuu dembiga galo.

Xukunkiisa, garsooruhu wuxuu sheegay in qofka dacwoonayaa uu aaminay eedeysanaha ilaa heer uu u ogolaado inuu galo xafiiska isago oo xitaa aan joogin.

Wuxuu garsooraha kuxukumay dambilaha labo sano oo xarig ah wuxuuna siiyay 14 maalmood oo uu racfaan kaga qaato go’aanka maxkamadda.