Ismaamulka Lamu ayaa bilaabay dhismaha seddex mashruuc oo muhiim u ah biyaha degaaanka galbeedka Lamu oo ay ku baxayso 5.5 million oo shillinka dalka ah.

Saddexdan mashruuc waxaa laga dhisayaa dhul weynaha Pangani, Poromoko, iyo Kisuke,waxaa ayna dadka degaanka heli doonaan markii ugu horreysay biyo tuubbada kasocodo.

Gudoomiyaha ismaamulka Lamu Fahim Twaha, oo bilaabay howsha dismaha maanta oo Isniin ah,ayaa sheegay in mashruuca biyaha Pangani uu ku kacayo 12.7 milyan oo shillin. Wuxuu uu guddomiya Twaha sheegay in mashruucani uu ka koobnaan doonaa 8.9km dhuumaha biyaha ah, xayndaabka wareega, taangiyada ee keeydka biya ah.

Sidookale mashruucani wuxuu ka koobnaan doonaa rakibidda nidaam aalada ku shaqeeya tamarta qorraxda.Dowladda ismaamulka Lamu ayaa sidoo kale dejin doonta mashruuca biyaha ee Sinambio Miruji oo ku kaceysa 5.2 milyan oo shillinka dalka ah.

Guddomiye Fahim Twaha ayaa sheegay in maamulkiisa uu doonayo inuu soo dhameystiro baahida loo qabo biyaha ee ismaamulkasi.