Guddiga adeega macalimiinta ee TSC ayaa sheegtay in 30 macallin laga saarayo diiwaankeeda sababo la xiriira dhibaatada ardayda u geystaan ee dhanka galmada ah.

Dukumiinti ayy soo sartay Guddiga TSC ayaa lagu sheegay in macallimiintan la siiyay ogeysiisyo inta u dhexeysa 14 iyo 25 ee bishan.

Macallimiinta la magacaabay qaarkood waxaa ka mid ah; Douglas Shibira, Namu Njoka, Stephen Munyi, Oscar Obonyo, Barawa Sanga, Anthony Onyango, Simon Kama iyo, Peter Githu.

Waxaa kalo oo liska Tsc lagu carababay magacyadooda Wafula Nyongesa, Joel Nyakwara, Philip Langat, David Langat, Samuel Namuye, William Orata, Nicanor Yego, Leonard Kipkosgei, Patrick Nyangau iyo kuwo kale.

Dukumintiga, macallimiinta la eedeeyey dhammaantood waxay leeyihiin dacwad qoran oo ka dhan ah magacyadooda taasoo caddayn u ah ficilkii ay sameyeen.

Sanadkii 2018kii Guddiga Adeegga Macallimiinta ayaa ku eedeeyay macallimiinta iskuulada gaarka loo leeyahay inay sii wadaan dhibaateynta ardayda.

Qodobka 237 ee dastuurka dalka ayaa faraya Guddiga TSC in ay qabato dhammaan howlaha maaraynta macallimiinta oo ay ku jiraan diiwaangelinta macallimiinta aqoonta leh, dayactirka heerarka waxbaridda iyo ilaalinta xirfadda adeegga barista.

Sannadkii 2016-kii, hay’ad ka tirsan Qaramada Midoobay ayaa dignin ka muujisay dhibaataynta ardayda ee barayaasha ay dhibateyaan oo da’doodu u dhexeyso 13 ilaa 17 sano jir.

Unesco waxay sheegtay in macallimiinta lagu soo wargeliyay inay yihiin dambiilayaal xadgudub galmo u geeysta ardayda iyadoo celcelis ahaan boqolkiiba 39 maamulayaasha iskuulka la sheegay in ay qariyaan dhibatada macalimiinta u geeystaan ardayda dugsiyadooda.

Warbixinta kormeerka waxbarashada aduunka waxay muujisay in boqolkiiba 40 maamulayaasha iskuulada dalka ay ku lug leyihiin faraxumeynta ardayda.