Dalka ayaa maanta oo isniin ah laga diiwaan galiyay 73 kiis oo cusub oo ‘Covid-19’ ah, taas oo wadarta guud ee kisaska corona gudaha dalka ka dhigaysa 41,619 kiis.

Tirada maanta ayaa la ogaaday kadib baritaan lagu sameyay 2,001 qof oo la tijaabiyay 24-kii saac ee la soo dhaafay,waxaana tirada tijaabooyinka dalka guud ahaan ay gaartay 593,199 oo tijaabo ah.

Wasaradda caafimadka dalka ayaa sheegatay in 46 kamid ah dadka cudurka laga helay ay yihiin rag halka 27 kale ay yihiin dumar.

Dhanka kale Wasaaradda Caafimaadka dalka ayaa warbixin ay soo saartay ku xaqiijisay in 70 kamid bukaanada cusub ay yihiin Kenyan halka seddexda kale ay yihiin ajaanib.

Dhanka da ’da,wasaradda ayaa sheegatay qof ugu yar in u jiro 17 sano, halka kan ugu weyni uu yahay 77 sano jir.

97 bukaan ayaa wasaradda caafimadka sheegatay in ay kasoo bogsadeen fayraska taasi oo tirada guud ee soo kabsashada la xarirta corona gudaha dalka kadhigaysa 31,097 soo kabsasho ah.

Nasiib darro, 11 bukaan ayaa u dhintay fayraska 24kii sac ee lasoo dhaafay taasi oo tirada guud ee dhimashada la xarirta corona gudaha dalka kadhigaysa 777 dhimasho ah.