Wasiirka arrimaha gudaha Koonfurgalbeed ayaa xilka ka qaaday Gudoomiyihii Degmada Afgooye Gobolka Shabeellaha Hoose ka dib Muddo uu Khilaaf u kala dhaxeeyay Gudoomiyaha gobolka Shabeellaha Hoose.

Aweys Cabdullaahi Cumar ayaaa loo magacaabay gudoomiyaha cusub ee Degmada Afgooye.

Wasiirka ayaa Faray qeybaha kale ee maamulka in ay si daacadnimo ah ula shaqeeyaan gudoomiyaha cusub lana dar-dargeliyo shaqada loo hayo bulshada.