Dalka ayaa maanta oo Axad ah laga diiwaan geliyay 388 kiis oo cusub oo ‘Covid-19’ ah, taas oo tirada guud ee kisaska corona gudaha dalka ka dhigaysa 41,546 oo kiis.

Tirada maanta ayaa la ogaaday kadib baritan lagu sameyay 4,287 qof oo la baaray ee la baaray 24-kii saac ee la soo dhaafay, taasoo ka dhigeysa tirada guud tijaabooyinka corona gudaha dalka 591,198 oo tijaabo ah.

383 ka mid ah dadka maanta cudurka laga helay ayaa dalka u dhashay halka shanta kale ay yihiin ajaanib.

Wasaradda ayaa sheegtay in 61 bukaan ay kasoo kabsadeen cudurka taaso kadhigaysa tirada guud ee soo kabsashada 31,000 oo soo kabsasho ah.

Nasiib daro,lix bukaan oo dheeri ah ayey wasaradda caafimadka sheegtay in ay fayraska u dhinteen, taasoo wadarta tirada dhimashada ka dhigeysa 766 oo dhimasho ah.